DHAGEYSO FADEEXAD:- Xildhibaan Boob hantiyeed u geystay Shacab iyo Xiligii uu Tarsan gudoomiye ahaa oo….

0

Nimco Shariif oo la hadashay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka cabaneysaa Dhulal ay qoysaskooda ku leeyihiin Nawaaxiga Dugsigii farsamada  ee Buulo Tigniko ee degmada Waaberi kaas oo ay sheegtay in xilligi Tarsan uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahaa laga saaray.

Iyadoo sii hadleysa ayaa waxa ay hoosta ka xariiqday Nimca in wax laga qaban waayay dacwooyin fara badan oo ay ka gudbiyeen Masuuliyiinta dowladda sida ay hadalka u dhigtay iyadoo ku nuux nuuxsatay in Caruurtooda aysan heysan Hooy maadaama Guryahoodii xoog looga saaray.

Dhinaca kale Qadiija Axmed Jimcaale ayaa dhankeeda waxa ay ku eedeysay Guddiga Doorashooyinka oo ay guddoomiye u tahay Xaliimo Yareey in lagu wareejiyay dhulkaas ku yaalla degmada Waaberi gaar ahaan agagaarka Dugsigii hore ee Buulo Tigniko waxaana ay shaaca ka qaaday in ay heystaan docomentiyo Sax ah.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa cirka isku sii shareerayay  is qab qabsiga arrimaha Dhulka la xiriira ee ka aloosan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO