TOP DHAGEYSO: Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan “Shuqul Kuma Lihin Shirka Muqdisho Iyo Waxii Kasoo Baxa”.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweynne ayaa waxa ay sheegayaan in Kulan ay odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan qaarkood ku yeesheen magaalada Beledweyne ay sheegeen inay ka horjeedaan isla markaana qaadaceen shirka madaxda Soomaalida ee Madasha Qaran uga furmay maanta magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa ka hadlay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Duubab kale oo sheegay inaysan jirin cid u meteleysa shirka Madasha ee Muqdisho kasocda, isla markaana aanay quseynin wixii ka soo baxa.

Wuxu intaas ku daray in gobolka Hiiraan ay taladiisa ka go’do odayaasha dhaqanka oo kaliya, isagoo cambaareyn u soo jeediyay madaxda dowladda Federaalka.
Isku soo wada duuboo Waa gobolkii ugu horeeyay ee ka hor yimaada shirarka Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida iyo maamulada dalka.

 

Hoos Ka Dhageyso