DHAGEYSO:- Saraakiisha Koonfur Galbeed Oo Sheegay In Hakad Uu Ku Yimid Howlgaladii Ka Dhanka Ahaa Shabaab

0

Howlgaladii maalmihii u dambeeyay ee ka socday degmada Bardaale iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa la sheegay in uu ku yimid hakad kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ee waday howlgalkaasi ay waayeen Hubkii ay isticmaali lahaayeen.

Gudoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay Weedow Cali Xasan ayaa waxa uu ka hadlay hakadka ku yimid howlgaladaasi iyo sidoo qorshohooda sida uu yahay hadii ay yihiin maamulka degmada Bardaale.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay iska kaashanayaan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee looga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Hakadkan ku yimid howlgaladii ka socday degmada Bardaale iyo deegaanada ku dhow ayaa waxa uu Al-shabaab u sahli karaa in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay horey uga baxeen.