Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmo doona shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo hanaanka geeddi socodka doorashooyinka iyo sidoo kale waqtiga ay dhaceyso Doorashada.
Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa shalay waxa ay soo gaareen magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka qeyb geli doona shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta furmaya.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in shirkan uu yahay midkii ugu dambeeyay ee ay yeelanayaan Madasha wadatashiga Qaran.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkan uu yahay midkii lagu go’aamin lahaa xilliga ay dhaceyso Doorashada, isagoo intaa ku daray in shacabka loo soo bandhigi doono wixii ka soo baxa shirka Madasha Qaran.
Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa xalay shirar gaar gaar ah xarunta Madaxtooyada waxa ay kula yeesheen Madaxda dowladda federaalka.
Shirkan looga hadlayo waqtiga ay dhaceyso Doorashada ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.