Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa Madaxda dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen shaacinta Waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Soomaaliya.
Waxaana Xildhibaanku carabka ku adkeeyay in shacabka ay walaac xoogan ka muujinayaan in waqtigeeda ay dhacdo Doorashada dalka maaadaama illaa iyo hadda aaney ogeyn xilliga loo asteeyay doorashada.
Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in sidaas oo kale ay ka walaacsan yihiin in waqtigeeda aysan qabsoomi Karin doorashada marka loo eego sida ay wax u socdaan ee gaabiska ah.
“ cid ka war qabto ma jirto doorasho xilliga ay dhaceyso xittaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed taasi ayaana kuu cadeyneysa in doorashada ay waqtigii horay loogu ballamay ay dib u dhacdo” sidaas waxaa yiri Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle.
Kulanka Madasha Hoggaamiyayaasa Qaran oo maanta lagu wado in uu ka furmo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa la filayaa in looga dhawaaqo waqtiga doorashadu qabsoomeyso.