Wararkii ugu Dambeeyay Ee Maxkamadeynta Ciidamada AMISOM

0

Maxkamadda Milatariga Uganda ayaa Markii ugu horeysay Maanta Magaalada Muqdisho ku Maxkamadeyneysa ku dhawaad 2o Askari oo ka mid ah Ciidamada AMISOM oo ay ku jiraan Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Howlgalka AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee Maanta lagu Maxkamadeynayo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Ciidamada Midawga Afrika ay ku leeyihiin Muqdisho Ee Xalane ayaa wadartooda ay gaareysaa ilaa 17 Askari,waxaana ku jira Shan Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM gaar ahaan Faraca Uganda,kuwaas oo lagu qabtay Muqdisho iyagoo iibinaya Saanadda Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale 17-ka Askari ee Maanta lagu Maxkamadeynayo Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Saraakiil Sar sare,iyadoo mid kamid ah Saraakiishaas lagu Xukumay Hal Sano oo Xarig ah lagana dhimay Darajadiisa oo aheyd Gaashaanle islamarkaana Kabtan laga dhigay

Maxkamadda ayaa sheegtay in Sargaalkaas oo u dhashay Dalka Uganda uu Halka Sano ku qaadan doono Wadanka Uganda,iyadoo sidoo kale ay weli socoto Maxkamadeynta Askarta kale.