Wararka inaga soo gaaraya degmada Shibis gaar ahan agagaarka Isgoyska Maana-booliyo ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay goor dhow degmadaasi ku dileen Nin Ganacsade ah oo caan ka ahaa degmadaasi.
Dad goob joogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in kooxaha dilka geystay ay ahaayeen Labo wiil oo Bistoolado ku hubeysnaa, waxaana Ninka la dilay magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Gaafow.
Ciidamada amaanka degmada Shibis ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.
Maalmihii udambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysnayay Mas’uuliyiinta dowladda iyo dad shacab ah.