Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Federaalka iyo Garsoorka Maamulka Gobolka Shabellaha Djexe Abuukar Xasan Cali Maqane oo haddana ah Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in Maxkamadaha Gobolka ay yihiin Goobo Ganacsi oo aan Garsoor lagu sheegi karin.
Xasan Cali Maqane ayaa sheegay in Maxkamadaha Gobolka Shabellaha Dhexe ay la mid yihiin Kawaan islamarkaana lagu dhibaateeyo Dad aan wax dambi ah galin.
“Waxaa kale oo la yaab leh Go’aamada ka soo baxa Maxkamadaha Gobolka Shabelaha Dhexe in aysan fulin karin Ciidamada Ammaanka Maadaama ay yihiin Go’aamada ka soo baxa Maxkamadaha kuwo baadil ah”ayuu yiri Xasan Cali Maqane.