Dawladda Puntland ayaa 18 sanno jirsatay, waxaana Caawa lagu qabanayaa Aqalka Madaxtooyada ee Puntland xaflad weyn oo ay ka qeygalayaan inta badan Marti Sharaf lagu casumay & Sadexda gole ee dawladda Puntland.
Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad gaar ah u jeedin doona Shacabka Puntland, isagoo diirada saaraya ilaa hadda waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadiisa.
Boqolaal Dadweyne ah oo ku labisan Calanka Puntland & kan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa lagu arkayaa gudaha caasumada Puntland, iyadoo ay jiraan kulamo gaar ah oo ay qabsanayaan qeybaha bulshada oo ay uga hadlayaan qiimaha ay maalintan la leedahay.
Sida hadda muuqata dawladdu waxay meesha ka saartay Dabaal-dag maanta oo kale ka dhici jirey Barxada weyn ee caasumada Puntland oo ay mari jireen ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Puntland waxaa lagu xasuustaa sida ay qeyb uga tahay arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya, haddana lagu jiro marxalad kala guur ah oo dalku u diyaar garoobayo doorasho ay ka qeybgalayaan dhinacyada Siyaasada.