XASAASI:- Somaliland oo siideysay Xildhibaankii ka tirsanaa Puntland

0

Maamulka Soomaaliland ayaa siidaayay xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Aadan Canjeex iyo ciidamo kale, kuwaas oo lagu qabsaday dagaaladii dhawaan ka dhacay gobolka Sanaag.

Siidaynta xildhibaankaan ayaa ku timid wada hadalo dhexmaray Puntland iyo Soomaaliland, wada hadalaas oo markii dambe sababtay in xildhibaanka xoriyadiisii dib loogusoo celiyo kadib maalmo uu u xirnaa Maamulka Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex oo in mudo ah ku xirnaa xabsi kuyaal magaalada Ceerigaabo ayaa lasii daayey kadib wadahadalo toos ah oo dhexmaray Puntland iyo maamulka Soomaaliland. Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wada hadalka odayaasha deegaanka oo arrintaan kaga horeeyay wada hadalka labada maamul.

Maxamed Faarax Canjeex ayaa waraysi uu bixiye ku sheegay in siidayntiisa ay ku timid kadib wadahadal Puntland iyo Somaliland dhexmaray kadibna madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu amray in lasiidaayo.