TOP DHAGEYSO:- Shariif Xasan oo Kulan Albaabada u xeran yihiin la qaatay Xildhibaano iyo Wasiiro

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta magaalada Beydhabo ee gobolka Baay kulan kula qaatay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sugi lahaa amaanka gobolada Baay iyo Bakool, waxaana Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu si gaar ah ula kulmay saraakiisha amaanka gobolada Baay iyo Bakool.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dib uga so laabtay safaro uu ku tagay dalalka Uganda iyo Kenya, waxaana uu kala hadlay sidii ciidanka AMISOM ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed ay u kordhin lahaayeen howlgaladooda.

Gaba gabada shirka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka Koofur Galbeed ay dhowaan gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ay ka bilaabi doonaan howlgallo deg deg ah kuwaas oo Al-shabaab looga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaarada War faafinta maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa kulanka kadib faah fahin ka bixiyay safarada Madaxweynaha iyo sidoo kale kulanka waxyabihii ka soo baxay.

HALKAAN KA DHAGEYSO