TOP DHAGEYSO:- Baarlamaanka Soomaaliya oo la horgeynayo Sharcigii Isqabqabsiga dhaliyay iyo Wasiir odowaa oo..

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhowaan la meel marin doono sharciga jinsiyada muwaadinka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in ay meel mariso sharciga jinsiyada muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa in dowladda ay dhameystiri doonto sharcigan dhowaana ay horgeyn doonta Golaha Wasiirada iyo sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Odowaa ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xilligan ay muhiim tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu helo jinsiyada muwaadinimo.

HALKAAN KA DHAGEYSO