TOOS U DHAGEYSO:- Bajaaj & BL Shacab Siday oo ku Gubanaya Irida CID-da

0

Ilo wareed kala duwan ayaa inoo xaqiijiyey in labo baabuur oo walxo qarxa ka buuxeen ay irida Laamiga iyo irida dambe ee Xarunta Dembi baarista CID-da Muqdisho.

Weli khasaaraha in la helo waa adag tahay maadaama xaaladu cakiran tahay Rasaas xoogana la maqlayo.

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inay kusii qul qulayaan xarunta oo dhexdeeda ay kusugan yihiin dableeydii weerarka qaaday.

Dhinaca kale qof kusugan agagaarka CID-da Muqdisho ayaa usheegay Warbaahinta qaar in uu arkay Bajaaj iyo Baabuur BL ah oo Shacab la socdeen oo gubayana irida Xarunta  la weeraray.

Waxaa laga cabsi qabaa in khasaaraha uu sii kordho maadama weli dagaal ka dhex socdo Xarunta CID-da Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO