Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Gaari Waxyaabaha Qarxa ay saaran yihiin oo caawa ku Qarxay Isgoyska Dabka.
Gaariga ayaa Qarxay kadib markii ciidamada dowladda ay joojiyeen Gaariga Waxyaabaha Qarxa ay saarnaayeen si baaritaano loogu sameeyo, kadibna sidaasi halkaasi uu ugu qarxay Gaariga.
Inta la ogyahay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 Qof halka sidoo kalena 1 Qof uu ku dhintay sida dad goob joogayaal ah ay Idaacadda Risaala usheegeen.
Taliska Booliska Degmada Waaberi iyo ciidamada amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan Qaraxa dhacay.
Qaraxan caawa ka dhacay Isgoyska Dabka ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maanta weerar Qaraxyo loo adeegsay uu ka dhacay xarunta dambi baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed.