DAAWO:- Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhacay Dalka Burundi

0

Boqolaal ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Bujumbura ee Xarunta Wadanka Burundi, ayaa maanta dhigay bannaanbax ay uga soo horjeedaan in ciidan shisheeye uu caalamka u soo diro dalkooda.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe, ayaa Jimcihii meelmariyay qaraar boolis caalami ah loogu diraayo Burundi, si ay gacan uga gaystaan ilaalinta sharciga iyo kala dambeenta.

Qaramada Midoobe waxay ku dhawaaqday inay dalkaasi u diri doonto xoogag ka kooban 228 askari oo boolis, muddo hal sano ah. Xukuumadda Bujumbura waxay horey kaga hortimid in xitaa 50 askari oo ciidan shisheeye ah, aan dalkeeda la keeni karin.

Dalka Burundi, ayaa waxaa ka taagan xiisad kala qaybisay bulshada dalkaasi, ka dib markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu mar saddexaad uu sanadkii hore isu soo sharaxay madaxtinimada dalka, xilli Dastuurka Qaranka uu ogolyahay inaanu isa soo sharaxi karin wax ka badan laba jeer.

Dadkii maanta bannaanbaxa ka dhigay Caasimadda Bujumbura, ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah Faransiiska, oo soo gudbiyay qaraarka uu Golaha Ammaanku ansaxiyay.

Danjiraha Faransiiska u qaabilsan Qaramada Midoobe, Amb. Francois Delattre, ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in ciidan loo diro Burundi, marka loo eeggo buu yiri qalalaasaha iyo xiisadda sii kordheysa, si loo xaqiijiyo buu yiri in wax aad u xun aanay ka dhicin Burundi.

Tan iyo bishii June ee sanadkii hore, ayaa waxaa dalkaasi lagu dilay in ka badan 500 oo qof, ka dib markii uu Madaxweynuhu mucaaradad kala kulmay tallaabada uu markii saddexaad isu soo cumaamaday. Ciidamada Dowladda Burundi ayaa lagu eedeeyay in ay dileen inta badan dadkaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Burundi1-1 Burundi2-1 Burundi3-1 Burundi4-1 Burundi5-1 Burundi6-1 Burundi7-1 Burundi8-1 Burundi9-1 Burundi91-1 Burundi92 Burundi93