Hay’adda qaramada midoobay u qaabbilsan qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa shaaca ka qaadday in tiro ka badan 37,000 qaxooti ka soo cararay koofurta Suudaan ay ku sugan yihiin dalka Yugaandh,kuwaasoo aan weli helin qaabbilaaddii ay u baahnaayeen.
UNHCR ayaa sheegtay in Saddexdii todobaad ee ugu dambeeyay ay dalka Yugandha gaareen 37,000,kuwaasoo kasoo baxsaday colaadaha halkaasi ka aloosan,waxayna ku tilmaantay hay’addu tiradii ugu badnayd ee kasoo carara S.Sudan Lixdii bilood ee lasoo dhaafay,kuwaasoo markii hore ahaa 33,838 Qof.
Qaramada midoobay ayaa dadka qaxootiga ah 90% ku tilmaantay Haween iyo Carruur, halka ragga qaangaarka ahna loo adeegsado iney ka qayb qaataan dagaallada ama ku biiraan garabyada hubeysan.
Dadka ka cararay colaadaha ka taagan Koofurta Suudaan, ayaa la sheegayaa iney intooda badan ka qaxayaan Bariga Gobolka Equatoria iyo Caasumadda dalka koofurta Suudaan ee Jubba.
Isniintii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Koofurta Suudaan Salva Kiir, uu xilkii ku xigeennimo ka qaaday Riek Machar,isagoo ku baaqay in lasoo qabto maaddaama ay u muuqato in xal loo waayay colaadda ka dhex aloosan Machar iyo Kiir.