Imaamka Beesha Mudulood: “Siyaasiyiin ayaa fara-gelin ku haya masiirka Beesha”

0

Imaan Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka mid ah Salaadiinta Dhaqanka ee Beelaha Mudulood ayaa waxuu ka digay in rag ganacsato ah ay iibsadaan hogaanka dhaqanka Beelahaasi.

Imaamka oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in rag ganacsato iyo Siyaasiyiin isugu jira ay bilaabeen gadashada hogaanka dhaqanka ee Beelaha Mudulood.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Imaan Daahir waxuu tilmaamay in ragga sidaasi sameynaya uu ku jiro Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada, C/laahi Maxamed Nuur, isagoo isku dayaya in uu sii qoodeysto qaar ka mid ah Xildhinaada Beeshaa, sida uu hadalka u dhigay Imaam Daahir.

Waxuu Imaamka uu intaasi ku daray in ay jiraan Dad isku sheegaya Siyaasiyiin iyo Ganacsato oo aan ka warheyn danaha iyo Degaanada Dadka ay matalaan ay ka soo jeedaan.

Nabadoono ka soo jeeda Beelaha Mudulood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ay sidoo kale waxey xaqiijiyeen in dhawaan kulan ka dhacay mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho, kulankaasi uu soo qaban qaabiyay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada, C/laahi Maxamed Nuur, kaasi oo u sheegay ku simaha Imaamka in 4 Xildhibaan ay leedahay Beesha Harti-Abgaal uu meel sii dhigo islamarkaana uu keesado magacyada Dadka matali doona 4-taasi Xildhibaan

Imaan Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa waxuu tilmaamay in marnaba aysan u dulqaadan doonin Dadka falkaasi wada, waxuuna Dadka Beelaha Mudulood uu uga baaqay in ay ka digtoonaadaan falalka ay wadaan Dadka ganacsatada iyo Siyaasiyiinta isugu jira.

Dadka ku aftirsada Beelaha Mudulood ayaa su’aasha ay la anfirirsan yihiin oo ay isweydiinayaan waxey tahay bal in ku-sime uu go’aan ka gaari karo aayaha iyo mustaqbalka Beelaha Mudulood , taasi oo ah Xildhibaanada matali doona Dowladda cusub ee soo socota.