Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fuliyay wiil dhalinyaro ahaa, kaasi oo ay ku eedeeyeen in uu horay qof shacab ah ugu dilay gobolka Baay.
Wiilka dhalinyarada ah ee dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacabaa Bashiir Janow Xasan oo 20 sano jir ah ayaa lagu toogtay Deegaanka Buulo Fulay oo ka tirsan gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed
Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay Bashiir Janow Xasan in uu dil bareer ah u geystay in lagu magacaabi jiray Cabdi Majiid Macalin Maxamuud ,uuna ku dilay deegaanka ku dhow magaalada Baydhabo .
Ururka Al-Shabaab ayaa looga bartay in ay xukun ku fuliyaan dadka ay ku eedeeyaan in ay dil ka geysteen meelaha ay maamulaan.