WAR DEG DEG:- Nabadoon Kooxo Hubeysan ay ku dileen Shabeelaha Hoose

0

Barqanimadii maanta ayaa deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kooxo Hubeysan waxa ay ku dileen Nabadoon caan ka ahaa deegaankaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Xasan Fiidow waxaana la sheegay in Nabadoonka dilkiisa ay ka dambeeyeen Maleeshiyo Hubeysan.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Nabadoonka loo dilay aano Qabiil oo ka dhashay xiisado la xiriira dhul Beereedka Gobolkaas.

Mid ka mid ah waxgaradka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle in Nabadoonka la dilay lagu Magacaabi jiray Xasan Tifow.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa indhawaanahaan waxaa ka taagnaa xiisado salka ku haya aanooyin qabiil kuwaas oo aan weli wax xal ah laga gaarin.