Wararka ka imanaya magaalaada Ramallah ee dhulka Falastiin ayaa sheegayaa in 45 maxbuus falastiin ah oo ku jira Jeelasha Israel ay Cuntada ka soomeen,iyagoo ka ashtakoonaya Qadiyado ay ka mid tahay Qaraarka laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ee ka dhanka ah booqashada Qoysaska maxaabistooda Xabsiyada Israel ku xiran.
Mid ka mid ah Maxaabiistaasi Cuntada ka soontay oo lagu magacaabo Bilaal Kaid ,ayaa Raga wararka tabiya u sheegay in ay maalintii 42-aad ay Cuntada ka sooman yihiin,wuxuuna intaa raaciyay in isago Xabsiyada Israel ku jiray muddo 15 Sano ah.
Wuxuu kaloo maxbuuskaasi sheegay inayan wax cuneyn ilaa Xabsiyada Israel laga siidaynayo dhamaan Maxaabiista Jaabhaaddaa shacbiga ee Falastiin.