Madaxweyne ku xigeenka cusub ee S/Sudan oo la dhaariyay

0

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Suudaanta Koofureed, Taban Deng Gai, ayaa la dhaariyay maanta.
Mr Taban waxaa shalay magacaabay madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir.

Ninka ay sida weyn isu hayeen ee Riek Machar ayaa xilka laga qaaday.

Machar ayaa magaalada Juba ka baxay kadib markii dagaallada ay soo cusboonaadeen.

Machar waxaa madaxweyne ku xigeen laga dhigay markii markale kadib markii dib u heshiisiin ay ururka IGAD dhexdhigeen labada dhinac.

Ninkan cusub ee madaxweyne ku xigeenka loo magacaabay waxa uu ahaa xubin sare oo kamid ahaa xisbiga mucaaradka ee Machar uu hogaaminayo.

Waxay u muuqataa in xisbiga Machar uu laba dhinac ukala qeybsamay.

Taageerayaasha Reik Machar waxay sheegayaan in labadalo inay sharcidaro tahay.

Weriyayaasha BBC-da ee halkaasi ku sugan waxay sheegayaan in hadda ay jirto cabsi ah in dalka uu dib ugu noqon karo dagaalka sokeeye.