Allaha Unaxariistee Abwaan Soomaaliyeed oo ka mid ahaa kuwa magaca iyo maamuuska ku dhex lahaa Bulshada ayaa lasoo sheegayaa inuu geeriyooday.
Marxuumka dhintay waxa lagu magacaabi jiray Abwaan Cabduqaadir Cali Cigaal isagoona waayahaan dambe la jiifay xanuunka Macaanka Ama Sonkorta.
Dalka Hindiya Cusbitaal ku yaalla ayaana Xalay la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday sida ay xaqiijiyeen Ehelada Marxuumkaasi.
Waxa uu ka mid ahaa Abwaan Cabduqaadir hal abuurayaasha Soomaalida ee dhinaca Nabada wax ka curiya iyadoo alle aan uga baryeeno inuu janatul fardowso ka waraabiyo.