Maalmihii dambe waxa dagaal uu ka socday Deegaano katirsan Gobolka Sanaag kaasi udhaxeeyey Ciidanka Soomaaliland iyo Kuwa Maamulka Puntland.
Dagaalkaasi ayaa waxa uu geystay khasaaro iskugu Jira dhimasho iyo dhaawac,sidoo kale Maxaabiis la kala qabsaday iyo deegaano lala kala wareegay.
Inkastoo Puntland lagu jebiyey dagaalkaasi sida lasoo warinayo ayaa waxa hadana soo baxaya in ciidan ka yimid dhinaca Soomaaliland ay ugaleen dhinaca Puntland.
Tirada Ciidanka Soomaliland ee Puntland isku dhiibay waxa lagu sheegay 30 Askari waxaana Saxaafada la hadlay Taliyaha Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag Cabdullaahi Cumar Canshuur iyo gudoomiyaha Gobolka Sanaag Ee Puntland Maxamed Faarax Ciise (Jeendaro) iyagoo sheegay in lasoo dhaweeyey Askarta isa soo dhiibtay.
Deegaanka Booda cade oo hoostaga degmada Dhahar Ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ka Jira dagaal iyadoo Soomaliland ay iyaduna nolosha ku wateen Xildhibaan katirsan Golaha Baarlamaanka Puntland iyo ilaalo la socotay.
HALKAAN KA DHAGEYSO