WAR CULUS:- Odayaasha Reer Hiiraan sheegay in Maamul Goboleed ay samaysanayaan.

0

Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inay dhisanayaan maamul Goboleed dhamaystiran, waxaana intaas ay ku dareen inaysan Gobol-na waxba ku darsanayn sida ay hadalka u dhigeen.

Afhayeenka dhaqanka Gobolka Hiiraan Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec oo Baladwayne shir Jaraa’id ku qabtay aya shaaciyay inay maamulkooda dhisanayaan, waxaana hadalkiisana uu kusoo beegmayaa xili ay shirar la qaateen Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD.

Ugaaska ayaa sheegay in kulamadii IGAD la qaateen ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, isagoo xusay in aysan mar kale dib ugu soo laaban Beledweyn, hadii aysan u wadin in Hiiraan ay tahay labo gobol sida uu yiri.

“Reer Hiiraan waa tashadeen, waxaa leenahay IGAD waxba ha ku soo lugo’ina, Beledweyn qarash yuusan idinka dhamaan, reer Hiiraan hadaa u heystaan labo gobol iyo saddex gobol imaada”ayuu yiri Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec.

Afhayeenka ayaa sheegay in caleemo saarka dhawaan oo samayn doono  Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble kadib la dhisayo Maamulka.

Duubabka dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa si adag uga soo horjeestay dhismaha Maamulka Hiiraan & Shabeelada dhexe, kaas oo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay wado qorshihiisa.