Muwaadin udhashay Waddanka Mareykanka ayaa lasoo sheegayaa in lagu xiray Waddanka Venezuela 22 cisho ka hor iyadoo dawladaVenezuela ay warkaasi xaqiijisey.
Ninkaan Mareykanka udhashay ayaa lasoo warinayaa inuu qabo haweeney udhalatay Dalka Venezuela waxaana lagu Eedeeyey inay hurinayeen rabshado la sheegay mid ka dhan ah madaxweynaha Dalkaas Nicolas Maduro.
Warsaxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweyne Nicolas Maduro oo Arbacadii shalay laga akhriyey Telefeshinka Qaranka ayaa lagu cadeeyey in ay run tahay xariga loo geystay Muwaadin Mareykanka udhashay oo dalkaasi kusugnaa.
Wasiirka Arimaha Gudaha Waddanka Venezueal Gustavo Gonzalez Lopez oo warkaasi Tv-ga ka Akhriyey waxa uu sheegay in Sirdoonkooda ay qabteen xabsigana utaxaabeen ninkaasi mareykanka ah iyo Xaaskiisa 30-kii bishii hore Ee June.
Wasiirka waxa uu sheegay inay sidoo kale xiran yihiin lix qof oo dalka Venezueal udhashay kana qeyb qaadanayey khalkhal gelinta Madaxweyne Maduro.