Gudoomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shikshigow oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay 15 Qof ay udhimtay gaajo iyo abaaro ka taagan deegaano ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in loo gar gaaro dadkaasi sidoo kalena Al-shabaab laga saaro deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Baay.
Gudoomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shikshigow ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka joogaan degmada Diinsoor, si go’doonka looga qaado shacabka ku nool degmadaasi.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu Hay’adaha gar gaarka iyo dowladda ka codsaday in ay gar gaar la soo gaaraan shacabka ku nool degmada Diinsoor.
Dadka qaar ee ku nool degmada Diinsoor ayaa waxa ay bilaabeen in ay ka barakacaan degmada Diinsoor, maadaamada degmadaasi wadooyinkeeda ay xiran yihiin oo ay ku sugan yihiin Shabaab.
Al-shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.