Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa oo kusugan magaalada Gaalkacyo ayaa magacaabay guddiga heer dawlad gobaleed ee qaban-qaabinaya xulitaanka doorashada Dad-ban ee Soomaaliya ka dhacaysa gudaha sannadkan, iyadoo ay guddigan la shaqeyn doonaan xubnaha guddiga doorashooyinka ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.
Xogaha la helay ayaa sheegaysa in xubnahan Madaxtooyada Puntland ay qoraal ahaan ugu dirtay guddiga ay wada shaqeynta yeelan doonaan, waxaana xubnahan ay gaarayaan 8 xubnood,
Saraakiisha ku dhaw dhaw Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xubnahan guddiga ay ka dhex muuqdaan shaqsiyaad bulshada dhexdeeda si weyn looga yaqaano, kuwaas oo horey u soo noqday Ganacsato, Nabadoono, Xildhibaano, Wasiiro iyo Ururada bulshada rayidka ah.
Guddigan ayaa dhawaan bilaabaya shaqadooda, waxaana la fahamsan yahay fahamsa in uu Madaxweynuhu si deg deg ah ugu soo laaban doono caasumada Puntland ee Garoowe, isagoo halkaas si rasmi ah uga dhawaaqi doono xubnaha guddigan.
Xulida xubnaha Puntland ay u dirsanayso ugana qeybgalaya Labada Aqal ee Hoose & Sare ee dawladda Faderaalka ayaa Loolan adag loogu jiraa, wali lama qeybin sida ay beeluhu u kala helayaan labada Aqalba, laakiin doodaha xoog badan ayaa ka dhalan doona sida oo kala saari doono.
Hadda Puntland waxaa jooga Siyaasiin horay u soo qabtay Xilal kala duwan oo ay ku jiraan Mudanayaal baarlamaan oo horey u joogay shantii sano lasoo dhaafay baarlamaanka Faderaalka, oo markale doonaya in ay xubno ka noqdaan Aqalada baarlamaanka & Sare.
Beelaha oo dhan ayaa doonaya in ay xubno ku yeeshaan labada aqal, Madaxweyne Gaas-na wuxuu helay todobaadyadii uu dambeeyey codsiyo uga imaanaya beelaha Puntland oo ay mid kasta doonayso in ay hesho xubin cusub oo labada Aqal ah.