Kenya oo lagu eedeeyay in ay dhibaato ka geysatay gobolka waqooyi Bari

0

Qaar ka mid ah Hay’addaha u dooda xuquuqul adaanaha ayaa ciidanka  dowladda Kenya ku eedeeyay in ay dhibaato u geysteen dadka Soomaaliya Kenyaan ah ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Hay’adda Human Rights Watch iyo sidoo kale hay’ado kale ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in ciidanka dowladda Kenya ay dil iyo jirdil aan xad laheyn ay u geysteen dadka Soomaali Kenyanka ah ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in ay dhibaato u geysteen dad ka badan 100 qof, intii ay wadeen howlgalo lagu baadi goobaayo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu tuhmaayay in ay ku sugan yihiin degmooyinka Wajeer ,Gaarissa iyo sidoo kale degmada Mandera.

Siyaasiinta iyo sidoo kale waxgaradka gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa qiray  in ay jirto dhibaatada lagu eedeeyay in ciidanka dowladda Kenya,islamarkaana marka ay dhacaan weerar ay geystaan Al-Shabaab ay ciidanka dowladda Kenya u laayeen dadka ah si arxan daro ah.

Ciidanka ammaanka ee dalka Kenya ayaa la sheegay in aysan kala saarin Shabaab iyo sidoo kale dadka shacabka ah marka ay dhacaan weeraro ,taasna ay sababtay in dhibaato loo geysto dadka shacabka ah.