DHAGEYSO:- Dowladda Finland oo magan geliyo u diidaysa muwaadiniin Soomaaliyeed

0

War laga soo xigtay dowladda Finland ayaa lagu sheegay in ay suurta gal tahay in dowladda Finland ay hakiso dadka Soomaliyeed ee magan geliyo doonka ah ee ku sugan dalka Finland iyo sidoo kale kuwa soo galaya dalkaasi.

Dowladda Finland waxay sheegtay in ay in dalalka Soomaaliya, Iraaq iyo sidoo kale Afganistaan ay u muuqdaan kuwa nabdoon oo ay kunoolaan karaan muwaadiniintood , sidaas darteedna ay dowladda Finland garowsan doonto in dalalkaas muwaadiniintood loo diido magan geliyo.

Tiro badan oo ah muwaadiniin kasoo jeeda dalalka Soomaaliya iyo Iraaq ayaa dowladda Finland u gudbiyay codsiyadooda magan geliyo doonimo ,waxaana  ay sugayaan jawaabta ay siiso waaxda socdaalka ee dalkaasi.

Dhawaan sharciyo cusub oo ay soo saartay dowladda Finland ayaa ahaa in dalalka Iraaq,Afganistan iyo Soomaaliya dib loo eego codsiyadooda magan geliyo doonimo.

Dalka Finland ayaa waxaa sanad walba gaara muwaadiniin badan oo kasoo jeeda dalalka Caalamka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-