Banaanbax Xoogan oo loogu soo horjeedo Somaliland oo Maanta ka dhacay gobolka Sanaag

0

Banaanbaxaani oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan maamulka Puntlnad oo ay isugu soo baxeen Boqolaal Dadweyne ah waxa uu manta ka dhacay deegaanka Dhahar oo hoostaga degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Xusseen Aadan Xasan oo ka mid ah dadka deegaanka Dhahar ayaa sheegay in Banaanbaxa looga soo horjeedo Ciidamada Maamulka  Somaliland ee dhawaan deegaano ka tirsan Sanaag kula dagaalamay Ciidamada Maamulka Puntland.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay wateen Boorar ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo ay ku diidan yihiin Maamulka Soomaaliland sidaasi waxaa sheegay Xusseen Aadan Xasan oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha.

Dhawaan ayey ahayd markii Ciidamada Maamullada Puntland iyo Somaliland uu dagaal Khasaare gaystay ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag iyadoo dagaalkaasi ay ciidamada Somaliland ku qabsadeen Xildhibaan ka tirsan Maamulka Puntland.

Dagaalka labada Maamul dhexmaray ayaa salka ku haya gacan ku haynta qaybo ka mid ah Gobolka Sanaag iyadoo labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen dirirtaasi.