Dagaalkii ka socday gobalka Sanaag ayaa xoogeystay wuxuuna ku faafay goobo hor leh oo ay ka mid yihiin deegaano cusub oo kuyaala gobalada Sanaag & Heylaan, waxaana la maqlayaa hugunka madaafiicda ay labada dhinacba isku adeegsanayaan.
Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in labada dhinacba uu jiro khasaare soo kala gaaray, ayna jiraan gaadiid dagaal oo la kala gubay iyo maxaabiis dagaal.
Ilaa hadda ma jiraan warar dhexdhexaad ah oo cadeyn kara khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan, oo hadda sii xoogeystay dhawr jihana uu ka socdo dagaal adag oo ay labda dhinac iskaga hor imaanayaan.
Puntland iyo Somaliland laba midkoodna kama aysan hadlin dagaalkan, waxaa kusugan gobalka Sanaag wasiiro ka socda labada dhinac oo aan ilaa hadda hadlin.