Sheeko Cajiib ah oo dhexmartay Madaxweyne Erdogan iyo Gabar yar

0

Madaxweynaha Wadanka Turkiga Rajab Dayib  Erdogan oo  dhex- marayay Waddooyinka Magaalada Istanbuul ayaa arkay gabar yar oo ka mid ah Dadkii Mudaharaadayey ee sida wayn u fashiliyay Afgambigii lala damacadanaa Madaxwaynaha ayaa si deg deg ah u amray in gaariga la joojiyo.

Gabadhii ayuu weydiiyey sababta ay halkaan u joogto oo ay u soo banaanbaxday, waxay Madaxwaynaha ugu jawaabtay “Qaranimadayadii ayaa la soo weeraray”.

Madaxwaynuhu waxa u ka codsaday in ay soo fuusho gaarigiisa si uu xaafadoodii u geeyo maadaama ay waalidkeed kala lumen, balse waxay ugu jawaabtay “Kuma raaci karo waayo hawshii aan u soo baxay weli kama gun gaarin”, waa cajiib.

Mudane Erdogan waxa uu mid ka mid ah ilaaladiisa ku amray inuu ku haro gabadha isla markaana uu qasriga Madaxtooyada ugu keeni iyada iyo qoyskeeda marka ay ka guul gaarto qadiyadeeda.

Wakaaladda Wararka Turkiga oo soo xiganaysa afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in Erdogan go’aansaday inuu gabadhaasi ku daro Dadka uu siin doono billadaha geesinnimada.

gabar-yar-640x461