XASAASI:- Xiisado ka aloosan deegaanno ku dhow dhow degmada Xarardheere

0

Wararka aan ka heleyno Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ku soo warramaya  in xiisad beeleed xoogan ay ka taagan yihiin deegaanno hoostaga degmadaasi sida Hanro , Warshubo iyo kuwa kale.

Dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in xiisadahaan ay indhawaanahaan ka taagneed Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada ku dhow dhow degmada Xarardheere.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maadaama Al Shabaab ay toogteen rag dilal salka ku haya aanooyin Qabiil ka geystay degmada Xarardheere  ay haatanna ku raad joogaan rag kale oo iyaguna dilal ka geystay deegaanada xiisaddu ka jirto si ay u toogtaan.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in Xiisadda ay cirka isku shareertay lagana cabsi qabo in Al Shabaab iyo mid ka mid ah Maleeshiyo beeleedka in ay dagaalamaan maadaama rag ku heyb ah oo dilal geystay la toogtay islamarkaana aan la toogan naleeshiyaadka heybta kale oo iyaguna wax dilay.

Deegaanada dalka ayaa muddooyinkii dambe waxaa cirka isku sii shareerayay xiisadaha salka ku haya aanooyinka Qabiil.