TOP:- Wasaaradda arrimaha gudaha oo magacowday Guddiga farsamada sameynta Golaha degaanka G.Banaadir.

0

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday magacyada 11 Xubnood oo noqonaya Guddiga farsamada sameynta Golaha Degaanka ee Gobolka Banaadir.

Wareegtada ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa ku saxiixan Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa Sanadkan billowgiisii sheegtay in Bisha June ee Sanadkan Gobolka Banaadir uu yeelan doono Gole degaan oo soo doorta Guddoomiyayaasha degmooyinka taas oo aan dhicin,waxaana maamulka Gobolka Banaadir uu u sheegay Mustaqbal Radio,in arrintaasi aysan wali hirgelin lana dhaafay waqtigii loogu talagalay.

1