Amiirka Ururka Al Shabaab, Sheekh Axmed Cumar (Abu Cubeydah), ayaa waxaa uu soo saaray farriin cod ah, oo u muuqata inay tahay farriintiisii labaad ee uu jeediyo, tan uu markii uu la wareegay Hogaanka Ururkaasi, 7-dii bishii September ee sanadkii 2014-ka, toddobaad ka dib markii la dilay Amiirkoodii hore, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane).
Amiirka Al Shabaab, ayaa farriintiisii ugu horeysay jeediyay bartamihii bishii July/Luulyo ee sanadkii hore, iyadoona uu xilligaa kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ay dalka ka wadaan.
Farriintiisaan labaad oo xalay lagu baahiyay Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha, ayaa ciwaankeedu ahaa (Shahaadah ama Shariicah), waxaana uu kaga hadlay dagaalada ka soconaya Wadamada Islaamka, iyadoo dhinaca kalana uu dhambaal salaan ah uu hawada u mariyay Hogaamiyaha Ururka Al Qaacidda, Ayman Al-Zawahiri.
Amiirka Ururka Al Shabaab, ayaa dalalka gaalada ku eedeeyay in ay dhibaato ku hayaan Ummada Muslimiinta, ayna u diidan yihin in Shareecada Islaamka isu maamulan.
Farriinta Amiirka Al Shabaab oo dhinacyo badan taabanaysa, halkaan ka dhageyso:-