DHAGEYSO:- Shirar gaar gaar ah oo xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo

0

Shirar gaar gaar ah ayaa xalay ka dhacay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,kuwasoo u dhaxeeyay madax ka tirsan maamulka Jubbaland iyo sidoo kale wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada kismaayo.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka hadleen ,laakiin ilo ku dhow maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in inta badan ay ka wadahadleen arimo ku aadan doorashada sanadkaan ka dhacaysa Soomaaliya.

Shalay waxaa gaaray magaalada Kismaayo wafdi balaaran oo hogaaminayo ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar carte.

Garoonka diyaaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay madaxweyne kuxigeenka koowaad ee jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-