Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Abuukar Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay xaalada guud ee magaalada Marko.
Waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka in ciidamada Militariga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Marko ay isaga baxeen magaalada, balse ciidanka AMISOM wali ay ku sugan yihiin magaalada.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Abuukar Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u soo galeen magaalada Marko.
Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Abuukar Jimcaale ayaa sheegay in colaadaha ka jira Marko ay sabab u yihiin maamulka Koonfur Galbeed oo ka gaabiyay amniga guud ee magaalada Marko sidii ay wax uga qaban lahaayeen.