DAAWO SAWIRADA:- Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo qabtay Waxyaabo Maanka Dooriya

0

Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa maanta  lagu soo bandhigay Xashiish iyo maandooriyaal kale oo Ciidanka Asluubta ay qabteen xili la doonayay in si qarsoodi ah loogu geeyo Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe waxaana goobta lagu soo bandhigayay goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaaliya iyo saraakiil kale oo katirsan ciidanka Asluubta.

Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Maxamed Cumar ayaa sheegay inay maxkamad u gudbin doonaan dadkii lagu qabtay iyagoo Xabsiga si qarsoosdi ah uu galinaya Xashiiska isagoona digniin u diray dadka kale ee arimaha nuucan oo kale ah ku howlan .

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaaliya Sareeye Guuto C/kariin Cali Afrax ayaa xusay inay talaabo adag ka qaadayaan kuwa daroogada u keena  Maxaabiista  Xabsiga dhexe ku xiran.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaaliya Sareeye Gaas  Bashiir Maxamed jaamac ayaa maanta furay tartan dhanka fanka ah oo loo qabanayo kooxda Fanka Ciidanka Asluubta ee ONKOD iyadoona Taliyaha uu balanqaaday inay abaalamarin doonaan shaqsiyaadka kaalimaha hore ka gala tartankaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

X1 X2 X3 X4 X5 X6