Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Puntland ,waxaa maanta lagu qabtay munaasabad uu xilka si toos ah ula wareegay xisaabiyaha cusub ee gobolka Mudug.
Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay madax ka tirsan maamulka Puntland sida wasiirka Maaliyada maamulka Puntland,gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif iyo sidoo kale saraakiil ciidan oo ka tirsan Puntland.
Xisaabiyaha cusub ee gobolka Mudug oo lagu magacaabo Xasan Cabdulle ayaa waxaa soo gudbiyay waxgaradka gobolka Mudug.
Allaha unaxariistee Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo taariikhdu marka ay aheyd 31 March 2016.
HALKAAN KA DHAGEYSO