Madaxweynaha dalka Mareykanka Mr Obama ayaa beeniyay in dadka dalkiisa ay kala qeybsameen kadib toogasho daran oo dexmartay booliska iyo dadka asalkooda Afrikanka yahay.
Waxa uu sheegay inaysan run ahayn in farqiga jinsiyadda uu gaaray heerkii 1960-meeyadii meeshii ay joogtay.
Shan askero oo cadaan ah ayaa waxaa toogtay nin madow ah, intii ay socdeen isu soo baxyo ka dhacay Dallas.
Ninkaasi waxa uu sheegay inuu ka carooday wax uu ku tilmaamay daandaansiga ciidamada oo gacantooda ay ku dhinteen laba qof oo madow ah isbuuc gudihiisa.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in inkastoo ay waajib ku tahay qofkastoo Mareykan ah uu u istaago cadaaladda, hadana looga baahan yahay inuu booliska taageero.