Madxweynaha KMG Yeman Cabdu Rabbu Mansuur Hadi, ayaa si adag uga u diiday, qaraar Qaraamada Midoobay ka soo baxay oo ahaa in yeman laga dhiso Xukuumad wadaag Xuutiyiinta shiicada ah ku jiraan.
Cabdu Rabbu Mansuur HADI, oo maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay magaalada Ma’rab ee Waqooyiga Yeman, waxa u yiri”marna ogalaan mayno in nagula soo rogo Isbaheysi xukuumadeed oo aan la sameysano Xuutiyiinta dagalka naga dhaxeeyo”
Wuxuu intaa raaciyay, isagoo magaalada Ma’rab kula hadlayay dad fara badan oo isugu soo baxay soo dhaweyntiisa,markii u horeysay oo magaaladaasi ay gacanta xukumadiisa dib ugu soo noqotay, wuxuu sheegay inuusan dalka Kuweyt ku laaban doonin, hadii qaraamada midoobay qaraar ka soo saarto arrintasi.
Madaxweynaha KMG, Yeman Cabdu Rabbu Mansuur Hadi, wuxuu kaloo dadkii hadalkiisa dhageysanayay u sheegay inuusan u ogolaaneyn Xuutiyiinta Shiicada ah, inay dalka yeman ka dhistan Dowlad Faarisi ah, wuxuuna wacad ku maray inuu dhowaan tegi doono Caasimadda Sanca oo hadda Xuutiyiintu ay ka taliyaan..