Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in amniga degmooyinka gobolka lagula Xisaabtamayo gudoomiyeyaasha degmooyinka.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha degmo walbo laga doonayo in uu xaqiijiyo amniga degmadiisa isla markaana uu soo qaban karo cid walbo oo dhibaato ka geysata degmada uu masuulka ka yahay.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Gudoomiyaha gobolka uu sugida iyo xaqiijinta amaanka degmooyinka gobolka Banaadir kula xisaabtamayo.Gudoomiyeyaasha.
Sidoo kale Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in aysan dhici Karin gudoomiye degmo oo fasixi karo guri la dhisayo ama la duminayo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Hoose ee Xamar ay tahay shaqadeeda isla markaana aan loo baahneyn in lagu fara geliyo.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in shirkii todobaadlaha ee masuuliyiinta gobolka loogu hadlay nadaafada iyo bilic soo celinta Muqdisho.
Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka Gobolka Banaadir:-