Ciidamada AMISOM ayaa maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxa ay ka bilaabeen qaadista Isbaarooyin ay dhigteen kooxo Maleeshiyaad ah.
Isbaarooyinka ayaa la dhigay Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne gudaheeda oo gaadidka lacago looga qaadaayay.
Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa ku baxay Maleeshiyaadka jidgooyooyinka dhigtay, waxaana ay sameeyeen Maleeshiyaadka iska cabin.
Wararka waxa ay sheegayaan iska hor imaadka ciidanka AMISOM iyo Maleeshiyaadka hubaysan ku dhexmaray Magaalada Beledweyne gudaheeda inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo tirada aanan la xaqiijin karin.
Ciidamada AMISOM ayaa doonayay in ay maleeshiyaadkaasi ka qaadaan goobta ay isbaarada ay dhigteen, hayeeshe Maleeshiyaadka ayaa iska caabin sameeyay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-