Dowlada Kenya oo ka Jawaabtay Eedeyn ay u jeedisay QM

0

Dowladda Kenya ayaa beenisay in Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ay ku dishay 29 Qof oo Rayid ah,sidoo kalena ay diyaaradaha dagaalka Kenya burburiyeen Ceelal Biyo iyo guryo ay lahaayeen Dadka Shacabka ah.

Kulanka Gobolaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay yeesheen Khamiistii ayey Dowladda Kenya ku eedeeyeen in Dad rayid ah ay diyaaradaheeda dagaalka ku laayeen Koofurta Soomaaliya,waxaana ay sidoo kale bur buriyeen Ceelal dadkaasi biyaha ka cabayeen iyo guryahii ay degganaayeen.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhur Kenyatta oo Magaalada Brussels kula kulmay XOg-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban ki-Moon ayaa ka codsaday in Qaramada Midoobey ciidan ka socda la geeyo Soomaaliya,AMISOMna ka baxdo dalka Soomaaliya.

Golaha Amaanka ayaa isku raacay in Ciidanka AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya ilaa Bisha May ee Sanadka soo socda,islamarkaana AMISOM ay guud ahaan ka baxdo Soomaaliya dhamaadka Sanadka 2020-ka.

Kenyatta,waxaa uu sheegay in weerarkii Ceel Cadde ee Askarta looga laayay kadib ay duqeymo ka fuliyaan goobha aay ku suganyihiin Al-shabaab,waxaana uu beeniyay in ay shacab laayeen sidoo kalena adeegsadeen Hub mamnuuc ka ah goobaha dagaallada .

Dowladda Kenya wali rasmi uma sheegin tirade kaga dhimatay Ceel Cade,TV-ga CNN ee Dalka Mareykanka ayaa baahiyay in 141 ka mid ah Askarta Kenya lagu dilay Ceel Cadde,kuwo kalena oo Saraakiil u badan nolosha lagu qafaashay.