TOP:- Siyaasiyiin iyo Xildhibaano siyaabo kala duwan uga hadlay qaabka loo soo xilay 135-ta Oday

0

Xilli ay isi soo tarayeen Cabashada la xiriirta qaabka loo soo xulay 135 Oday dhaqan ee soo Doorooneysa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu hoosta ka xariiqay in Odayaasha la soo Magacaabay ay yihiin kuwii rasmiga ahaa  ee sanadkii 2012 soo Magacaabay Xildhibaanada.

Mudane Daahir AMiin Jeesow Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 135 Oday ee lagu dhawaaqay marka laga reebo intii geeriyootay iyo inta Wakiilada ahaa ee kuwii wakiilada ay u ahayeen ee Rasmiga ahaa lagu bedelay aanu jirin wax kale oo isbedel ah.

Dhinaciisa Ex Xildhibaan Cabdulle Cagooleey oo Baarlamaankii KMG ka tirsanaa ayaa isagoo cuskanaya qodobo Dastuuri ah qeexay in la baal maray sharciga islamarkaana aan waxba la iska weydiin qodobo wax ku ool ahaa ee horay loogu wada gaaray in looga tix raaco soo xulista Odayaasha dhaqanka.

Dhinaciisa Imaam Maxamud Macallin Nuur ayaa qaba isagu in dhammaan lalaalo Odayaasha dhaqanka hadda xula matalaadda Shacabka kuwaas oo uu ku tilmaamay in uu hareeyay Musuq iyo isdaba marin baahsan.

Ugu dambeyn Ex Xildhibaan Xasan Cabdi ( Xasan Dhuxul ) oo ka mid ahaa Baarlamaankii KMG ayaa ku baaqay in loowada istaago horumarka iyo dhismaha dalka ee aan dalka loo horseedin bur bur laguna saleeyo habka matalaada shacabka iyo hoggaamiyayaasha dhaqanka kuwa ku yimaada rabitaanka shacabka ee aan qaab jujuub ah lagu keenin.

Shirkii Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran oo dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa looga dhawaaqay Magacyada 135 Oday dhaqameed oo la sheegay in ay yihiin matalaadda saxda ah ee Beelaha Soomaaliyeed.

Baarlamaanka soo socda ayaa waxaa la sheegay in Xildhaan kasta 51 qof oo heybtiisa ah ay soo dooran doonaan ogolaanshahoodana uu ku tagi doono Kursiga Baarlamaanka , hase ahaatee taasi ayaa dadka qaar u arkaan in aysan waxba ka bedelneen hanaankii Oday dhaqameedku ku soo xuli jiray Xildhibaanada maadaama 51-da xubnooda ay ka imaanayaan maamul Goboleedyada oo qaarkooda la sheego in musuqmaasuq iyo hanaan laaluush ah lago soo doortay.