WAR DEG DEG:- Rasaas Xoog leh oo laga Maqlayo Bartamaha Marka iyo Weerar Qaraxyo & Rasaas culus oo bilwday Goordhow

0

Sida ay inoo soo sheegayaa Goob joogayaal ku sugan Magaaladda Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, waxaa Saakay Salaadii Subax Qaraxyo xoogan & Rasaas culus laga maqlay Bartamaha Magaaladaasi.

Qaraxyadda Ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen kuwo lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika Ee Ku Sugan Magaaladaasi kuwaas oo kolonyo ay la socdeen lagu weeraray Nawaaxiga Shirkadda Netionling.

Qaraxyada kadib waxaa ay dadku maqlayeen dhawaqa rasaas aad u culus oo ka dhaceysa goobta lagu weeraray Ciidamadda AMISOM, inkastoo aan la’ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyadda iyo Rasaasta.

Shalay Gelinkii dambe ayaa sidaan oo kale waxaa qaraxyo lagu weeraray Fariisin ay Ciidamadda Dowlada ku lahaayeen Nawaaxiga Saldhiga Degmadda Marka halkaas oo la sheegay in ay ku dhaawacmeen 3-qof oo shacab ahaa.