Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Ahlusuna iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa ka taagan deegaano ka tirsan Galgaduud, iyadoo labada dhinac ay ciidamo soo dhoobeen deegaano u dhaxeeya Dhuusa Mareeb iyo Cadaado.
Sida ay sheegayaan wararka waxaa xiisad ay ka taagan tahay deegaanada, Godinlabe iyo Mareer-gur, halkaasoo saacadihii la soo dhaafay labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen.
Xiisadahan ayaa ka dambeeyay markii Ciidamo ka tirsan Ahlusuna, kuwaasoo la geeyay deegaanka Mareer-Gur, iyadoo ciidamo ka tirsan Ahlusuna oo ka soo baxay Cadaado ay soo gaareen deegaano u dhow dhow.
Sidoo kale Ahlusuna ayaa la sheegay inay ciidamo geysay wadada isku xirta Caabudwaaq iyo Cadaado, waxaana halkaas lagu arkay gaadiidka dagaalka oo aad u fara badan.
Waxaa jirta cabsi laga qabo dagaalo dhex mara Ciidamada Ahlusuna iyo kuwa Maamulka Galmudug oo horay u dagaalamay.
Maamulka Galmudug ayaa fadhigiisu yahay degmada Cadaado, halka Ahlusuna ay fadhigooda yihiin degmada Dhuusa Mareeb oo ah xarunta Gobolka Galgaduud.