Kenya oo shaaca ka qaday Cidda Al-Shabaab ku biirta Dadka Lacagta heysta iyo Kuwa Faqriga ah

0

Saraakiil u hadashay ciidamada boliiska dalka Kenya ayaa siidaayay warbixin ay ku sheegayaan in Al-shabaab ay askar ahaan u qortaan dadka laga tirada badan yahay ee ku sugan magaalada Mombasa.

Warbixintan ayaa la shaaciyay markii ciidamada Kenya gacanta ku dhigeen Afar dhalinyaro ah oo Al-shabaab ay ka soo qorteen askar ahaan magaalada Gaarisa kuwaasi oo isla magaalada lagu xiray todobaadyo ka hor.

Sida uu daabacay wargeyska the Star ee kasoo baxa dalka Kenya dhalinyarada Al-shabaab ay ka qortaan Waqooyi Bari Kenya ayaa lagu sheegay in ay da’doodu u dhaxeyso seddex sano ilaa 15 sano jir.

Kenya ayaa dagaal adag kula jirta Al-shabaab, maadaama Al-shabaab marar badan weeraro dhimasho sababay ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Waxaana la aamisan yahay in Al-shabaabka ugu badan ee ku sugan gudaha dalka Kenya ay ku dhuumaaleystaan Keymaha Boni.

Ururka Al-shabaab ayaa waxa ay dagaal kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladaha deriska la’ah ee garabka Militari siiya Soomaaliya.