Jarmalka oo xiray nin lagu eedeeyay in ka tirsan yahay Shabaab

0

Abshir Axmed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada ayaa shalay lagu xiray Garoonka Diyaaradaha magaalada Frankfurt, kadib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa la xiray maalintii Arbacada aheyd, isagoo ka soo laabtay Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso oo ajnabi ah, islamarkaana uu maleegayay in dhibaato ka geysto gudaha dalka Jarmalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Jarmalka ayaa lagu sheegay, in ninkaasi la aaminsanyahay in uu ku biiray Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya sanadkii 2012-kii, islamarkaana tababar dhinaca hubka ah qaatay.

Dacwad oogayaasha dalka Jarmalka ayaa raacay warka qoraalka ah kaas oo ku aadanaa in ninkaasi aragti lagu xiro maadaama uu ku eedeysnaa in uu xiriir la lahaa ururka Al-shabaab.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ninkan ay soo taagi doonto si loo cadeeyo dambiga lagu heysto in uu yahay mid sax ah.