Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay Ciidankeeda jooga Soomaaliya la baxeyso Bisha December ee Sanadka soo socda kadib markii ay kulansatay labo arrimood oo ku qasbaya in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya.
Sida uu qoray Wargeyska Prensa Latina,Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda, Katumba Wamala,ayaa sheegay in Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya oo gaaraya 6,000 oo Askari laga saarayo Soomaaliya Sanadka 2017ka.
Katumba Wamala,waxaa uu sheegay in Ciidanka AMISOM oo aan mushaar qaadan 6 bilood iyo Talooyin Milatari oo ay siiyeen Waddamada Turkiga,Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku qasbeyso in ay isaga baxaan Soomaaliya.
Katumba,ma sheegin waxa ay tahay talada Milatari ee ay ka heleen Waddamadaasi,waxa aay tahay waxaase uu ku adkeystay in ay tahay talo ay garowsadeen,taas oo uu sheegay in ay wax tareyso Sumcadda Dowladda Uganda,gaar ahaan Milatariga oo howllo kale oo ay ka fuliyeen Qaaradda Afrika guulo ka soo hooyay.
Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa isna xaqiijiyay in Midowga Yurub ay bixinayaan Mushaarka Lixdii Bilood ee la soo dhaafay ee Ciidanka AMISOM,waxaana uu raaciyay in Warqadaha Mushaarbixinta ay soo gaartay AMISOM,hayeeshee aan wali la bixin lacagta.